Bini-aadanku (dadku) wuxuu isticmaalaa erayo lagu hadlo si aay isugu sheegaan waxa ay rabaan in ay isu tebiyaan ama isu gudbiyaan. Erayadaasi waxay ka kooban yihiin magacyo, falal, fal-kaabayaal, sifooyin, magac uyaallo iyo qurubyo yar yar oo soo raaca, intaas marka laysku daro ayaa waxa samaysma waxa loo yaqaanno weedh (Sentence).
Weedhu waxay samaysaa micne kooban oo la fahmi karo si fudud kaas oo ka tarjumaya waxa laaysu sheegayaa waxa ay yihiin iyo sida laysugu sheegayo oo ku bilaabanta codsi, amar, digniin, salaan ama su’aal halkaas ayaa waxa ka farcama ama ka tarma hadal ka horjeeda kii hore oo noqon kara yeelid, diidmo, jawaab iyo soo dhoweyn.
Si uu qofku karti ugu yeesho inuu dhisi karo weedho wuxu u baahan yahay inuu yaqaan erayo tiro badan oo ah hantida kaydka ah ee luuqadi leedahay. hadaba ku xidhnoow hadalbarad.com si aad u barato erayo af soomaali ah oo aad u isticmaali karto xaalado kala duwan.
Utforska inspirerande berättelser och expertinsikter
Denna avsnitt belyser syftet med bloggen, genom att erbjuda engagerande berättelser, expertåsikter och värdefulla insikter för läsarna att lära sig och växa.
Lämna ett svar